Somali News

Madaxweynaha Poland oo laga helay xanuunka Coronavirus

Warsaw-KNN-Wasaaradda caafimaadka dalka Poland ayaa xaqiijisay in madaxweynaha dalkaas  Andrzej Duda laga helay xanuunka caalamka ku faafay  ee Coronavirus.

Madaxweyne Duda oo 43 sanno jir ah ayaa baaritaan lagu sameeyay jimcihii waxaa la xaqiijay inuu hayo xanuunka Karoona.

War laga soo saaray xafiiska M.weynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu is karantiili doono maalmaha soo socda xaaladiisana ay hagaagsantahay

Dalka Poland waxaa uu ka mid yahay dalalka uu sida daran hadda ugu faafayo xanuunka Karoona waxaana shalay oo kaliya laga helay in ka badan 13 kun oo qof

Dawladu waxay ku dhawaaqday xaalad deg deg.

Madaxweynaha dalka Poland ee uu hadda ku dhacay xanuunka Karoona  Andrzej Duda waxaa uu ka mid noqonayaa madax kale oo uu horey ugu dhacay karoona waxaana ka mid ah madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo R/wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson.