Uncategorized

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xalay gaaray magaalada Jeddah dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, maalin un kaddib markii maamulkiisa uu taageeray Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tagitaanka Gaas ee dalka Sacuudiga, iyadoo la sheegayo in casuumaad gaar ah ay u dirtay Sacuudiga isaga iyo xubno ka tirsan maamulkiisa, si ay sanadkan u soo gutaan acmaasha Xajka.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in magaalada Jeddah uu kula kulmi Mas’uuliyiin ka tirsan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

C/wali Gaas oo la hadlay Idaacada VOA ka hor inta uusan u dhoofin Sacuudiga ayaa sheegay inay maamulkiisa uu taageeray dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo uu tilmaamay inay wadaagaan xiriiro kala duwan oo ganacsi iyo amni, halka Qatar uu xusay in aysan waxba wadaagin.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay dib u eegto go’aanka dhex dhexaadnimada ee ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dooneysa inay cadaadis ku saarto dowladda Soomaaliya, sidii ay Qatar xiriirka ugu jari laheyd, waxaana ay u mareysa maamul goboleedyada durbaba soo saaray go’aano ay ku taageerayaan xulafada Sacuudiga.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in madaxda xubnaha maamul goboleedyada ay isugu keento dalkeeda, iyadoo maamul walba ay si gaar ah Fiisooyin xajka ah ay ku soo aadaan u dirtay.

Soomaaliya ayaa wadamada Khaliijka Carabta la wadaagta xiriiro soo jireen ah oo isugu jira ganacsi iyo amni, waana tan keentay in Xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo ay illaa iyo hada ku qanci waayaan go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka

Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxreyn ayaa horaantii bishii June xiriirka u jaray dalka Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Ururada Argagixisada, hase ahaatee Qatar ayaa iska fogeysay.