Uncategorized

Madaxweynaha Puntland oo Amar siiyay Ciidamada ku sugan Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo–KNN–Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maalmahaan danbe ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu sheegay in in ciidamada Amaanka looga baahanyahay in ay soo qabtaan Ragii ka danbeeyay Dil habeen ka hor Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sargaal ka tirsanaa Ciidanka Amaanka.
Cabdiwali Gaas Ayaa sheegay inuu Mar ku siiyay Ciidamada Amaanka Ee Maamulka Puntland in ay soo qabtaan Dadkii ka danbeeyay dilka Sargaalka oo uu tilmaamay in Cadaalada la horgeyn doono.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale maanta waxaa uu kulamo la qaatay Xubnaha Golaha Deegaanka Ee Magaalada Gaalkacyo isagoo Shacabka ku Dhaqan Gobolka Mudug ka dalbaday in hay’adaha Amaanka kala shaqeyaan Nabadeynta Magaalada iyo guud ahaan Gobolka.
Cabdi wali maxamed Cali Gaas ayaa Maalmihi u danbeeyay waxaa uu ku suganyahay Magaalada Gaalkacyo oo uu ka wado Dhameystirka Xal u helidda coldaada Magaaladaasi mudada ka jirtay.