Uncategorized

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  Madaxweyna Dawladda Puntland iyo wefti  uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka bari isagoo faah faahin ka bixiyay safarkii uu ku joogay Wadamada khaliijka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada boosaaso ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Maamul Gobaleedka Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Gaas ayaa ka warbixiyey socdaalkiisii dalka sucuudiga iyo dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo uu soo maray, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka Xajka.

Sidoo kalane Dalka isku tagga Imaaraadka Carabta ay heshiisyo kula soo galeen Madaxda dalkaasi iyo Shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay.