Somali News

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Doorashada maamulkaasi

Madaxweyne Siciid Deni ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada soo socota ee madaxtinimada Puntland ku dhacayso nidaamka qof iyo cod.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in guddiga qaabilsan doorashooyinka ee PEC uu ka shaqayn doono hirgelinta hannaanka qof iyo cod ee lagu dooranayo madaxda sare ee Puntland.

“Anigoo ah Madaxweynihii Dalka waxaan ku dhawaaqaya in uu dalku u jiheeystay Doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ah oo sharci ku dhisan” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhinaca kale, Mucaaradka Puntland ayaa ku eedeyay Madaxweyne Deni in khudbadiisa ay ka muuqatay muddo kororsi.