Somali News

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday Garoonka magaalada Boosaaso Gobolka Bari, taasi oo ay ku dhinteen in ka badan toban askari.

Madaxweyne Deni ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumaddiisa aan marna lagu soo wargelin diyaaradda gargaarka sidday ee Boosaaso lageeyay, islamarkaana ay waday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya,  Xildhibaan Sacdiya Yasiin Xaaji Samatar.

Intaasi waxa uu ku daray in khilaaf maamulka dhexdiisa ah ay abuurtay diyaaraddii ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso maadaama ciidamo kawada tirsan maamulkiisa ay dagaalameen.

Ciidamada ka wada tirsan puntland ayaa ku dagalaamay 11-kii bishaan garoonka diyaaradaha ee magaalada boosaaso kaddib markii garoonka lagu xayiray diyaarad gar gaar waday oo ay la socotay xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.