Somali News

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida duqii hore ee Boosaaso.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariisto Duqii hore ee degmada Boosaaso Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil oo ku geeriyooday Boosaaso.

“Alle ha u naxariisto Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil Duqii hore ee degmada Boosaaso, oo goordhoweyd ku geeriyooday Boosaaso, wuxuu ahaa nin Odey ah oo usoo shaqeeyay dadkiisa iyo dalkiisa, gaar ahaan arrimaha Bulshada iyo Amniga oo uu mar soo noqday Wasiir Ku-xigeenka Amniga Puntland.

Waxaan tacsi u diraya dhammaan Shacabka Puntland iyo guud ahaan kan Soomaaliyeed, si gaar ah waxaan ugu tacsiyeeynaya eheladii iyo qoyskiisii, marxuumka Alle janadii ha geeyo aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.