Somali News

Madaxweynaha puntland oo kulamo looga hadlayo amniga ka wada Gaalkacyo.

Gaalkacyo-KNN-Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha maamulka  Puntland ayaa waxaa uu weli  kulamo looga hadlayo amniga ka wadaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa kulan la qaatay dhalin yarada ku nool Waqooyiga Gobalka Mudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay doorka dhallinyarada ee horumarinta dalka ayaa sheegay in dhallinta Puntland ay hormuud u yihiin horumarka dhanwalba ee Puntland gaartay, waxaana uu xaqiijiyey in Puntland ahmiyad  gaar ah  siinayso dhallinyarada,

Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka gobolka Mudug ka dalbaday  inay ka shaqeeyaan talaabo walba oo gobolkoodu ku noqonkaro mid xasiloon,

Shalay ayay aheyd markii magaalada gaalkacyo kulan ay ku yeesheen Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug, kaasi oo looga hadlayay arimo badan oo ku saabsan xaalada dalka.