Somali News

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddiga KMG ah ee Doorashada

Madaxweynaha Maamulka Puntlad, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la yeeshay Xubnaha Guddiga Kumeel Gaarka ee Doorashooyinka ee maamulka.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaysanay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo Wasaaradaha ku shaqada ah, si loo dardargeliyo in Doorashada hal Qof iyo Hal cod ee goleyaasha deegaanka ay ka qabsoomto dhammaan degmooyinka Puntland.

Madaxweynaha ayaa Guddiga iyo Hay’adaha kale ee Dowladda ee la shaqeeyay waxaan ku boggaadinaya shaqada ay qabteen, isaga oo rajeeyay in inta harsana ay ugu qabsoomto qorshaha ay dejisteen Insha’allah.