Uncategorized

Madaxweynaha Puntland oo laga sugayo Maanta Magaalada Garowe

Boosaaso–KNN–Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa lagu wadaa inuu safar ugu ambaboxo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Madaxweynaha ayaa mudadii uu ku sugnaa Boosaaso la kulmay maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo laamaha ammaanka ee gobolka Bari.

Dhanka kalena, madaxweynaha Puntland waxa uu Boosaaso ka furay kana dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo ay xukuumaddu fulinayso.

Ammaanka Magaalooyin ka mida Puntland sida Qardho iyo Garowe ayaa aad loo adkeeyay Saakay,waxaana la dhigay Ciidamo u badan kuwa Madaxtooyada.