Uncategorized

Madaxweynaha Puntland oo Maamul KMG ah u magacaabay Boosaaso.

Garowe-KNN– Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland  ayaa waxaa uu si kumeel gaar ah u magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Magaalada  Boosaaso ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01 March 2018 xafiiskiisa ka soo saaray wareegtu lagu magacaabay Guddoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka ee kumeel gaarka ah ee Degmada Boosaaso waxaana ay u qorneyd siodan:-

Xeer Madaxweyne Lr.32 March 01, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu tixgaliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Boosaaso.

Marku Qiimeeyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.

  1. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.

2.Waxaa Siciid Cabdirxmaan Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku – Xigeenka Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.