Uncategorized

Madaxweynaha Puntland oo maanta booqanaya Ciidanka isku dhafka ah ee ka jira Magaalada gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas  Madaxweynaha Puntland ayaa la   filaya inuu  booqan doona saldhiga ciidamada isku dhafka ee ka soo kala jeeda labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlaya saraakiisha ciidamada sidii loo sugi lahaa amniga loogana hortagi lahaa kuwa kasoo horjeeda amniga igo xasiloonida gobalka.

Sidoo kale Qorshaha madaxweynaha ayaa maanta waxaa uu yahay in ciidamadan uu kala hadli doono sidii ay door wanaagsan ugu qaaadan lahayeen nabad gelin yada Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Madaxweyne gaas ayaa sidoo kale  waxaana uu ka hadli doona Ciidamada dilalka Qorsheysan ee ka dhaca magaalada,iyo sida looga hortagi lahaa Falaalkaasi Amni daro.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay  ka mid tahay meelaha inta badan ay ka dhacaan Dilalka qorsheysan iyo dagaalada inta badan dhex mara Ciidamada Maamulada kala taabacsan Puntland iyo galmudug.