Somali News

Madaxweynaha Puntland oo magacaabis cusub Sameeyay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40, kaa oo uu ku magacaabay xilal Cusub.

Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabat La-taliye Madaxweyne Kuxigaanka Dowlad Goboleedka Puntland.

Qoraal kasoo baxay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa lagu yiri

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Mire Xasan (Gawiido) loo magacaabay la-taliyaha Madaxweyne Ku-xigaanka ee Arrimaha Siyaasadda.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.