Somali News

Madaxweyne Deni oo sheegay in DF ay dhiigooda baneysay kadib hadalkii wasiir Dubbe

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa cambaareeyay hadalkii dhowaan kasoo yeeray wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Cusmaan Abuukar Dubbe, kaas oo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ku tilmaamay jid iyo jaha diid ay ka socon waayeen wadahadalladii doorashooyinka ee Afisyooni.

Madaxweyne Deni oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray wasiir Dubbe, isagoo sheegay in dhiiggooda lagu baneysanayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aan la isaga hari doonin hadalkii wasiir Dubbe, maadaama sida uu sheegay dhiigooda uu baneeyey, isla markaana uu ku tilmaamay rag lamid ah kooxaha nabad diidka ah, sida Al-Shabaab.

Madaxweyne Saciid Deni ma xusid tallaabada ay qaadayaan oo ay uga jawaabayaan hadalkii wasiir Dubbe ee ay qoonsadeen, balse waxa uu ku hanjabay inaan la isaga hari doonin.

Hadalkan Madaxweyne Deni waxa uu imaanayaa xilli madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada taabacsan ay isaga iyo Axmed Madoobe ku eedeynayaan inay fashiliyeen oo ay ka sii socon waayeen wadahadalladii madaxda uga socday teendhada Afisyooni ee xerada Xalane.

Sidoo kale Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan ka warheyn shir fashilmay, diyaarna ay u yihiin in la sii wado wadahadallada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka dalka.