Somali News

Madaxweynaha Puntland oo war ka soo saaray geerida Ugaas Xasan

Garowe-KNN-Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa ugaaska mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan.

Ugaaska ayaa xalay cusurka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalkan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo caawa ku geeriyooday Muqdisho.

“Alle ha u naxariisto Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wuxuu ahaa Odey Soomaaliyeed oo kaalin muhim ah kasoo qaatay dhismaha dowladdnimada, Nabadgelyada, arrimaha Bulshada iyo horumarka guud ahaan Soomaaliya.

Wuxuu ahaa shakhsi siweyn looga yaqaanay dalka oo ku sifoobay wanaag iyo nabad ka shaqeyn, waxaan tacsi u diraya ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan hoggaanka dhaqanka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday.”

Madaxweynaha Puntland waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul  fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

DHAMMAAD