Uncategorized

Madaxweynaha Puntland”Gaalkacyo waxaa ka jirta Nabad iyo Barwaaqo”

Gaalkacyo–KNN– Madaxweynaha Maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas oo Shalay Gelinkii dambe soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo ay ka jirto Nabad islamarkaana lagu Guuleystay in wax laga qabto Dilalkii ku saleysnaa Qabiilka ee ka dhici jiray Miyiga Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa Xalay Magaalada kula Kulmay Mas’uuliyiinta Gobolka,Saraakiisha Ciidamada,Odayaasha iyo Dhalinyarada Gobolka Mudug ee Puntland,waxaana uu kala hadlay sidii loo Xoojin lahaa ka shaqeynta Amniga Gobolka Mudug.

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Xusay in Maamulada Puntland iyo Galmudug ay dadaal u galeen sidii loo soo Afjarilahaa Collaadda Gobolka,wuxuuna intaas ku daray in Labada Maamul ay wada gaareen Heshiisyo wax ku ool ah.

“Heshiiskii Labada Maamul ay wada gaareen waxaa uu noqday mid najaxay,waayo waxaa Gacanta lagu dhigay qaar kamida Maleeshiyadii Dadka Gardarada ku dili jiray,waxaana taas bilow u tahay Nabadda Gobolka Mudug”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in Deg deg loo joojiyo Collaadda Gobolka Sool ku dhex mareysa Maleeshiyaadka Hubeysan,wuxuuna soo jeediyay in Collaadda Nabad lagu badalo.

Dhawaan ayey Magaalada Gaalkacyo Heshiis ku kala Saxiixdeen Maamulada Puntland iyo Galmudug,heshiiskaas oo lagu soo Afjarayo Collaadda Gobolka Mudug.