Uncategorized

Madaxweynaha Somaaliya oo Maanta tagaya Xerada Tababarka Ciidamada Ee Turkigu Maamulo

Muqdisho–KNN– Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta tagaya Xerada Tababarka Ee Turkigu ku leeyahay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Jaziira,halkaas oo lagu Tababarayo Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Madaxweynaha uu la kulmi doono Saraakiisha ku Howlan Tababarka Ciidamada Milatariga Soomaaliya si uu ugu kuur galo qaabka uu u socto Tababarka islamarkaana uu u dhiiri galiyo Ciidamada iyo Saraakiisha wax bareysa intaba.

Dowladda Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho dhawaan ka hirgelisay Saldhig Casri ah oo lagu Tababari doono Ciidamada Xoogga Dalka,waxaana hadda uu Tababar uga socdaa Boqolaal Askari oo ka mida Xoogga Dalka.