Somali News

Madaxweynaha Somali State oo Amray in rabshadaha laga hortago

Muqdisho-KNN-Iyadoo qaar kamid ah dhalinyarada ku nool magaalada jigjiga ee xarunta Dowlad degaanka soomaali state ay rabshada ka wadeen magaalada kadib markii maalmo ka hor jigjaga ay gaareyn xubno ka socda jabhada ONLF ayaa madaxweynaha dowlad degaanka somali mustafe cumar cagjar waxaa uu booliiska magaalada ku armay in ay gacanta kusoo dhigaan cid kasto oo aql-aql galisay amaanka magaalada jigjiga.

Sidoo kale mustafa cagjar ayaa waxaa uu ciidamada booliiska amar ku siiyay in sharciga la tiigsadaan dadka doonaya in ay amni darro abuuraan,iyadoona booliiska uu kaga digay in ay xadgudub sameeyaan.

Wararkii ugu dambeeye ee naga soo garaya magaalada jigjiga ayaa ku waramaya in magaalada lagu soo daadiyay  ciidamada ka hortaga rabshadaha,iyadoona dhalinyarada intooda badan ay wataan calanka jabhada ONLF kadib markii halkaasi muddo ku dhaw 20 kadib ay gaareyn magaalada jigjiga Xubno ka tirsan Jabhada ONLF.