Somali News

Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay wariyaal Hargeysa ku xirnaa.

Madaxweynaha Somaliland muuse Biixi cabdi ayaa cafis u fidiyay wariyaasha kala ah Cabdijibaar Maxamed iyo Maxamed Cabdi sheekh Ilig oo Hargeysa lagu xiray 15kii bishii April ee sanadkaan.

Wariyaasha ayaa la xiray kadib markii ay qabteen Ciidamada amaanka iyagoo si toos ah u tabinayo isku dhac ka socday xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, kaas oo u dhaxeeyay maxaabiista ku xiran xabsiga iyo Ciidamada amaanka.

Markii lasoo dayay wariyaasha, waxa ay goob fagaare ah kula hadleen warbaahinta, iyagoona u mahadceliyey dhamaan bahda saxafiyiinta Soomalilan, oo qeeyb weeyn ka qaatay sii deyntooda, waxa ayna sheegeen in ay sii wadi doonaan howlaha ay u hayaan warbaahinta Soomalilan, iyo soo gudbinta wararka saxda ah.

Maxamed Cabdi sheekh Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed ayaa intii ay xabsiga ku jireen waxa ay xukuumadda Soomalilan la kulmeeysay cadaadis uga imaanayo axsaabta mucaaradka Soomaaliland, iyo shacabka Somaliland.

sawiradda wariyaasha lasii dayay maanta.