Somali News

Madaxweynaha Somaliland oo digniin u diray goobaha waxbarashada Somaliland ee furan

Hargeysa-KNN-Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu ka hadlay goobaha gaarka ee waxbarashada Soomaaliland oo la sheegay in dib loo furay.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay ka war hayso,goobaha qaar ee waxbarashada Soomaaliland ee sida gaarka ah loo leeyahay in dib loo furay arrintaasina aysan aqbali doonin

Waxa uu sheegay in goobahaasi waxbarsho ee dibka loo furay ay la mid tahay qaadka Sharci darrada ah ee la soo geliyo Soomaaliland ee la mamnuucay, ciddii lagu arkana la marin doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Arrintan ayaa xukuumadda Biixi waxa ay uga gol leedahay, ka hortagga cudurka dilaaga ah ee Coronavirus oo laga helay qaybo kamid ah deegaannada Soomaalilad .