Uncategorized

Madaxweynaha Somaliland oo Markii ugu horeysay la kulmay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadani

Hargeysa–KNN– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta kulankii ugu horeeyay la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadani C.raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro,waxaana sidoo kale kulanka ka qeyb galay Wasiirro iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaradka Wadani.

Kulanka oo ahaa mid Saxaafaddu ay dibadda ka joogtay ayaa ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ee Magaalada Hargeysa.

Illaa hadda lama oga waxa Rasmiga ah ee ay ka wada hadleen Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland iyo Musharaxii la tartamay ee Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro.

Markii Guddiga Doorshooyinka ku dhawaaqeen Natiijada Doorashada,waxaa ka horyimid Natiijada Xisbiga Wadani,inkastoo waxyar  ka dib uu Tanaasul sameeyay Musharaxii Xisbiga C/raxmaan Cirro.