Somali News

Madaxweynaha Somalilnad oo ka qeyb galay munaasabada 26 ka juun.

sidaas ayuu yiri Madaxaweyne Biixi .


Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda 26-ka June oo ah markii goboladda waqooyi Xornimadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska.

Madaxweyne Biixi ayaa ku dheeraaday sharaxaada shirkii dhawaan Jabuuti ku dhexmaray Soomaaliland iyo Soomaaliya isagoo sheegay in wadahadaladda ay ugu jiraan iyagoo ah laba dowladood oo siman.

” Qofkii siyaasad u taga soomaaliya waa danbiile, isdhexgalka sida koox muusiga u tageysa waxay kaliya tagi karaan iyagoo Sita Baasaboor somaliland ah iyo calanka somaland, Qof kaligii socda waa yeelkii” ayuu yiri Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeey dadka reer Somaliland Munaasabada 26 oo markii ay xurnimada ka qaateen gumaystihii Ingiriiska oo sannado badan gumeysi ku haayay, waxaana socda munaasabado lagu waynaynayo maalintaas.