Hargeysa-KNN-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Eriteriya Cismaan Saalax Maxamed iyo wafdigiisa ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Hargeysa.
Kulanka ayaa inta badan waxaa looga hadlay xiriirka ka dhexeeya Eriteriya iyo Soomaaliland iyo sidii taageero loo siin lahaa soomaaliland.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Somaliland iyo Eriteriya, ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka waxaa ay la hadleen warbaahinta, waxaa ayna faahfaahin ka bixyeen u jeedka ay Hargeysa u tageen wafdigan ka socday Dowladda Eriteriya iyo waxyaabihii ay ka wadahadleen Madaxweynaha soomaaliland iyo Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Eriteriya.
Ugu horeyn wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteria, Cismaan Saalax Maxamed, ayaa sheegay in la gaaray waqtigii qiimayn lagu samayn lahaa xaaladda Somaliland, islamarkaana ay madaxweynahoodii ku celin doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland.
“Wafdigayga ka socda dalka Eriteriya waxaa na soo diray madaxweynaheena Isaias Afwerki, si aannu wax badan uga oggaanno xaaladda Somaliland ay xilligan ku sugan tahay, waxaana la gaaray waqtigii aannu Somaliland imaan lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waannu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibada Eriteriya.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa isaguna dhankiisa sheegay in madaxweynaha iyo wafdiisa ay kulankooda diiradda ku saareen sidii ay dalalka geesku isu kaashan lahaayeen, islamarkaana loo wadaagi lahaa afkaarta.
“Wafdiga waxaa ay u yimaadeen inay iskaashiga iyo xiriirka dalalka geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland iyo Eriteriya ay ka shaqeeyaan oo ay xoojiyaan iyo sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa, islamarkaana ra’yi iyo afkaar la isku dhaafsan lahaa, si wanaagsanna waanu u wadahadalnay.” Ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Soomaaliland.





