Somali News

Madaxweynaha Soomaaliland oo Guinea kula kulmay Madaxda Dalkaasi.

Hargeysa-KNN-Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey gegida caalamiga ah ee Conakry International Airport amaba Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea), waxana halkaa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure, waxana madaxweynaha iyo wefdigiisu ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee gudaha garoonka.

Intaa kaddib, madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa madaarka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha wefdiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini.

Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha wefdiga ah ee safarkiisa ku wehelinayay, ayaa xarunta qasriga madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Gini lagaga gelbiyey baabuurta loogu talo galay madaxda habmaamuuskoodu sarreeyo, waxana la geeyey Huteelka Kaloum ee badhtamaha caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini ee Conakry. Iyada oo Maanta si toos loo gudo gelidoono ujeedka safarka iyo kulamadii muhiimka ahaa ee labada Madaxweyne.