Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliland oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag

Hargeysa-KNN-Dagaalo xoogan ayaa ka socda deegaanada Siigadheer, Marqa-caddo iyo Degmada Ceel-afweyn kuwaasi oo ay ku dagaalamayaan laba maleeshiyo beeleed.

Dagaal oo u dhaxeeya laba beelood oo wada degan deegaanadaas saddexda ah ayaa la sheegay inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh inkasta oo aan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ee dagaalka ka dhashay.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi oo shir jaraa’id oo degdeg ah ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaan waxaan la aqbali karin ku tilmaamay dagaalka ka socda Deegaanada Beriga Somaliland, waxaa uu sheegay uu ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

“Dhiiga meesha ku daadanaya waa waxaan la aqbali karin, cid kasta oo Somaliland ku nool waxaan ugu baaqayaa inay gacan nabad ah ka geysato colaada deegaanadaas laga soo sheegayo”ayuu yidhi Muuse Biixi.

Ciidamada Millatariga Somaliland ayaa la sheegayaa inay ku baxeen goobaha dagaaladu ka socdaan si ay u dhexgalaan beelaha dagaalamaya.

Dagaalada u dhaxeeya maleeshiyo beeleedka ayaa kusoo noqnoqda deegaanada gobolka Sanaag iyo Sool, kuwaasi oo boqolaal shacab ah ku dhinteen.