Hargeysa-KNN-Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland ayaa maanta waxaa uu safar dhulka ugu ambabaxay magaalada Berbera, isagoona gaaray magaaladaasi sida uu sheegayo wariyaha KNN ee Magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xariga ka jaro qalab cusub oo lagu soo kordhiyay Dekedda Barbara.
Sidoo kale Madaxwaynaha Soomaaliland ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulan la qaato, waxgaradka, iyo Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Berbera.
Dekeda Berbera ayaa waxaa mudooyinkii dambe ka soconayay dib u dhis balaaran oo ay ku sameynaysay Shirkada DP WORLD.