Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliland oo si kulul markale ugu hadlay dagaalka ka taagan Tukeraq

Hargeysa-KNN-Madaxweynaha Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi oo la hadlay Warbaahinta  ayaa waxa uu ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan  degaanka  Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasoo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa sheegay in uu u arko Puntland inay tahay qayb  ka mid ah Soomaaliya, islamarkaana dhibaatada ay iyaga hurinayaan uu sheegay in ay ogtahay dowlada Fedraalka Soomaaliya.

 

Waxaa uu wax laga xumaado uu ku tilmaamay dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukeraq ee gobalka Sool, isagoona sheegay in soomaaliland ay iska difaaci doonto cid walbo oo weerar ku soo qaada.

Dadaalo la doonayay in lagu xaliyo xiisada dagaal ee ka dhax aloosan labada maamul ayaa marar badan fashilmay, waxaana labada dhinac dagaalka soo cusboonaaday mid waliba ku eedeeyay dhinaca kasoo horjeeda.