Somali News

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Boqorka Qadar oo kawada hadlay Arimaha Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Khadka Telfoonka kula xiriiray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, iyagoo isla soo qaaday Arrimo khuseeya Labada Dal, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee SONNA.

Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa taagerada Dowladda Qatar ay ka geeysanayso dib u dhiska dalka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo laamaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Amiirka Qatar la wadaagay Horumarada ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ku talaabsatay muddadii la soo dhaafay..

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay Soomaaliya garab taagan tahay, gacanna ka geeysan doonto kobcinta dhaqaalaha dalka, dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha nolasha.

Xigasho SONNA.