Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo Gudoomiye Jawaari kala kulmay khilaafka jira.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay waxaa uu kulan la qaatay Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo khilaaf kala dhaxeeyo Ra’iisal wasaare kheyre.

Kulanka waxaa la tilmaamay in madaxweynaha uu gudoomiyaha kala hadlay xasilinta xasaradda siyaasadeed ee maalmihin u dambeeyay taagneyd iyo sidii loo soo afjarilahaa.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo kamid ah mudanayaasha taageersan Jawaari ayaa waxaa VOA u sheegay in kulanka dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari sidoo kale looga hadlay sidii si daah furnaan ah mooshinka loo horgeyn lahaa kulanka xildhibaanada islamarkaana ay uga soo qeybgali lahaayeen xubno kamid ah Aqalka sare ee Baarlamaanka iyo goob joogayaal kale oo lasocda sida ay u dhaceyso codeynta mooshinka.

Kulanka  dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajom iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka ee mooshinka laga keenay ayaa imaanaya iyadoo uu madaxweynaha safar uu ku tagilahaa dalka Qatar uga baaqday sababo la xiriira khilaafka ka dhexjira hey’adaha Fulinta iyo sharci dajinta ee dalka.