Muqdisho–KNN– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo War Kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray Hogaamiyaha Dalka Jarmalka Angela Merkel oo Markii Afraad oo Xiriir ah ku Guuleysatay Doorashadii ka dhacday Germany.
Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inuu Hombalyo u dirayo Angela Merkel oo ah Hogaamiyaha Germany islamarkaana Germany iyo Dowladda Soomaaliya ay yihiin Saaxiibo Xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo.
Xisbiga Muxaafidka ee ay ka tirsan tahay Angela Merkel ayaa natiijadii ugu xumayd ka helay doorashada muddo 70 sano ah, laakiin weli wuxuu haystaa aqlabiyadda baarlamaanka.