Muqdisho-KNN- Maxamed Cabdullaahi farmaajo Madaxweynahaha Soomaaliya ayaa goordhow tagay garoonka kubada cagta ee Istaadiyow koonis ee degmada cabdi Casiis ee Gobalka banaadir,halkaasi uu ka socdo banaan bax ay dhigayaal boqolaal dadweynaha.maadaama ay kaga soo horjeedaan Qaraxii lagu xasuuqay dadkii shacabka ahaa eek u sugnaa Isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa goobta ku sugan R/Wasaaraha Dalka Xasan Cali khayre,Golaha Wasiirada,Xildhibaanada baarlamaanka,gudoomiyaha Gobalka banaadir,ururada bulshada Rayidka ah iyo Dadweyne Aad u fara badan oo kala Yimid Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Waxaana weli soconaya khudaha ay jeedinayaan Masuuliyiinta dowlada ee ka qeyb galaya banaanbaxa.
Waxaana Haatan Dadweynaha la hadlayay gudoomiyaha Gobalka banaadir Thaabid Cabdi Maxamed,isagoona Shacabka Soomaaliyeed ugu tacsiyeynayaa dhibaatadii gaartay.
Wariyaheena Axmed maxamed ibraahim ayaa soo sheegayaa in guud ahaan garoonka kubada cagta istaadiyow koonis ay buux dhaafiyeen dadweyne aad u fara badan.
la soco wixii ku soo kordha