Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku amaanay Ciidamada Xoogga sida ay u garab istaageen qoysaska danta Yar.

Maxamed C/llaahi Farmaajo  Madaxweynaha Soomaliya oo kulan la qadadeeyay Cudubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka ayaa ku ammaanay doorka Ciidamada oo isugu jira Difaaca Dalka iyo garab istaaga Shacabka soomaaliyeed.

Sidoo kale  Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Wax lagu farxo  ku tilmaayay talaabadii dhawaan uu qaaday Ururka 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu deeqeen  Qoysaska dan yar ah.

Waxaa uu Sheegay madaxweyne Farmaajo in Ciidamada Xooga Markasta looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana ay caawiyaan Qoysaska Danta Yare ee Ku nool Muqdisho iyo gobalada Dalka.

Dowlada uu hogaamiye Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta badan waxaa ay ku da-daashaa sidii ay u dhiiri gelin laheyd Shacabka iyo Ciidamada Xoogga Dalka,inkastoo Dowlada Xiligan Eedeeyo kulul ugu imaanaya Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.