Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab xiligan ay dhibaato badan ay ku hayaan Shacabka ku nool gobalada Dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Shabaab ay go’doomiyeen qaar ka mid ah Wadooyinka Soo gala qeybo ka mid ah degmooyinka gobalka Hiiraan,taasina ay keentay in aan xiligan loo gurman Karin shacabka ku dhibateysan Magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiran.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay markii uu tagay magaalada Magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, isagoona soo hadal qaaday in haatan wadada isku xirta Magaalada Baladweyne iyo Xamar ay go’doomiyeen Al-Shabaab, islamarkaana shacabka aan gar-gaar loo soo marsiin Karin Wadadaasi.

Dhalin yaradan ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa uu markale ka dalbaday in ay ka soo baxaan Shabaab, islamarkaana ay ka mid noqdaan Dowlada, isagoona Sheegay in muhiim ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ay wadaa qorshihii Al-Shabaab ay ugu saari lahaayeen Qeybo ka mid ah gobalada dalka oo ka arimiyaan Al-shabaab.