Somali News

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo kala duwan ka wada dalka Masar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku gudajira booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku joogo dalka Masar, ayaa maanta booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Safiir ka dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Safaarada, halkaas oo uu warbixinno kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale inta uu ku suganyahay dalka masar waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda ururka Iskaashiga Islaamka kuwaa oo uu kala hadli doono wax ka qabashada Abaaraaha baahsan ee xiligaan ka jirta Soomaaliya.