Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan.

Qaahira-KNN-Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha federaalka Soomaliya ayaa hoygiisa Magaaladda Qaahira ku booqday madaxweynihii hore ee Dowladii Kmg  Aheyd ee Soomaliya Dr Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo Qaahira dagan.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay xaalada dalka iyo marxaladaha kala duwan ee dowladda cusub haysato iyadoo Dr C/Qaasim uu talooyin muhiim ah ku biiriyay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhageystay talooyin C/qaasim oo ah waaya arag siyaasadda ku guda jiray tan iyo Kacaankii oo xilal wasiir kasoo qabtay dowladihii dalka soo marayay,wuxuun madaxweynaha Soomaliya uu sheegay in wax badan oo taariikhda Somalia uu kasoo kororsaday madaxweynihii hore ee Somalia C/qaasim Salaad Xasan.

Farmaajo ayaa u shaxaray xaaladihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya iyo guulaha ay Dowladiisa gaartay iyo qorshaha kale ee hada uga dagsan Xaaladda Soomaaliya.