Abuu-Dubai –KNN– Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Shalay gaaray Wadanka Iskutagga Imaaraadka Carabta ayaa Xalay Kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Wadankaas,waxaana uu kala hadlay Arrimo dhowr ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Kulan ay Albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Amiirka Wadanka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bini Sayed Al-nahyan iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda Wadankaasi Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Imaaraadka ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Dhaqaalaha iyo Dagaalka lagula jiro Dagaalameyaasha Al-shabaab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado in dalka oo dhan Dagaal looga saaro Al-shabaab.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Wadanka Imaaraadka Carabta ayaa ah markii labaad tan iyo markii la doortay Bishii February ee sanadkaan,waxaana Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku joogo Imaaraadka ay qaadan doontaa Mudo Labo Cisho ah,iyadoo Berri uu Dalka dib ugu soo laaban doono sida ay noo sheegeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.