Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa ku Hishiiyay in ay adkeeyaan Xiriirkooda oo heer walba leh, Hishiiskaasi wuxuu ka dhacay Magaaladda Istanbuul oo ay ku kulmeen  Madaxda Soomaaliya iyo Pakistan.

Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi iyo ra’iisulwasaarha Pakistaan Shahid Khaqan Abbasi oo kal qayb galaya Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Magaaladda Istanbuul Maanta ka furmay ayaa Kulankooda waxaa ay kawad hadleen Dana iyo xiriir Labada Wadan ay Dagaan, sida lagu Daabacay Website Pakistaan laga leeyahay oo Dispatch News Disk lagu Magacaabo.

Horumarinta Xiriirka Dublamaasiyadeed iyo Abuurista Jawi ganacsi ayaa ugu waaweeynaa Qodobadii ay Masuuliyiinta Labadda Dal kawad Hadleen.

Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo  iyo ra’iisulwasaarha Pakistaan Shahid Khaqan Abbasi ayaa ka Qayb galaya Shirka ay Madaxda Islaamku ugu Arrinsanayaan Xaaladda Qudus iyo Go’aankii Trump uu ugu Aqoonsaday in tahay Caasimadda Israaa’iil.

Shirkaan aan Caadiga ahayn waxaa ka Qayb galaya madaxda ka kala Socota 26 Wadan, Hugaamiye yaasha isu Yimid ayaa waxaa ay caddeeyn Doonaan go’aankooda iyo Moqfiskooda ku Wajahan Wadanka Mareeykanka iyo israa’iil.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxdu ay kawada Hadlaan Nuuca Taageero ee ay Ufidin karaan Muslimiinta ku jira Gacanta Yahuudda ee Reer Falastiin.

Madaxweeyna Turkiga Rajib Dayib ordogaan oo Ku Baaqay Shirkaan aan caadiga ahayn  ayaa Canaan iyo cambaaareeyn kala Dul Dhacay Wadanka Mareeykanka, wuxuuna Go’aankiisa ku Tilmaamay mid horseedi Doono cawaaqib a La Mahdin.

Ordogaan oo Shirka ka Hadlaya aya sheegay in Mareeykanku uu kiu Talo Galay in uu Qudus Siiyo Israa’iil, wuxuuna  Hadalkiisa Raaciyay “inaguna waa in aan Falantiin u Aqoonsanaa Wadan, Qudusna waa in aan u Qoonsanaa caasimadda Falastiin”

Madaxweeynaha turkiga ayaa Sidoo kale Wuxuu Madaxda u sheegay in Lagama maaarmaan ay tahay in Wadamadda islaamka ah ay ilaashadaan Magaaladda Qudus, Wuxuuna Yiri “Qudus waa barta Guduudan ee islaamka waanna ka difaaceeynaa in ay israa’iil Qaadato”

Madaxweeynah Falstiin Maxamuud cabaas oo Shirka ka Hadlay oo isaguna shirka hadlaya ayaa sheegay in go’aankii Mareykanka uu san ahayn mid Horseedayaxal ay gaaraan Wadamadda Falastiin iyo Israa’iil, Wuxuuna ku tilmaamay in Mareeykanku uusan dooneeynin Hishiis dhex mara lbada Dhinac.