Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in todobaadkan ay booqasho rasmi ah ay ku tagaan magaalada Doxa ee dalka Qatar.
Saraakiil ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in wafdiga Madaxweynaha ay ku jiraan illaa lix Wasiir iyo Ganacsato, kuwaasoo heshiisyo iskaashi la soo saxiixan doona Wasiirada dhiggooda ee Qatar.
Wararka ayaa sheegaya in booqashadan ay tahay mid rasmi ah, waana booqashadii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Qatar, kaddib markii uu sanadkii hore uu booqday.
Socdaalka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku beegan maalinta Talaadada ee soo socota, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow madaxtooyada Soomaaliya.
Dowladda Qatar ayaa dhowaan la saxiixatay dowladda Soomaaliya mashaariicyo horumarineed oo ku baxaya illaa labo boqol oo milyan , kaasoo ka mid ah dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar iyo sidoo kale Muqdisho iyo Afgooye.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar ayaa sidoo kale ku soo beegmaya, iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo horay xiriirka ugu jaray dalka Qatar.