Somali News

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu ka qeyb galay shir looga hadlayay Arimaha soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Brussels  ee dalka Belgiumka.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya ayaa waxaa ay garoonka ku soo dhaweeyeen madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay oo ay ku jiraan xubno wasiiro ah.

Inta uu ku sugnaa Madaxweyne farmaajo ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaateen madaxda caalamka ee shirka goobjooga ka ahaa iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Belgiumka.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka ayaa waxaa uu kulan  la qaatay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Soomaaliland,Waxaa ayna ka wada hadleen colaada ka tagaan degaanka Tukeraq ee gobalka Sool.

Madaxweyne Farmaajo iyo Feysal Cali Waraabe ayaa waxaa ay isku afgarteen in la damiyo colaada u dhexeeysa Soomaaliland iyo Puntland.

Shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada magaalada Brussels  ee dalka Belgiumka ayaa waxaa soomaaliya looga yaboohay lacag dhan in ka badan shan boqol oo   milyan,taasi oo wax looga qabanayo xaalada adag ee xiligan ka jirta dalka.