Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya,kadib markii uu maal mahan safar ku tagay Dalalka jabuuti iyo Turkiga.
Masuuliyiinta la socday madaxweyne farmaajo ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha dalka.
Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha soomaaliya uu dalka jabuuti kaga soo qeyb galay shir looga hadlayay hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb galay furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti, iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweynayaasha dalalka, Jabuuti, Rwanda, Suudaan, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Jabuuti kaga sii gudbay Dalka Turkiga halkaas uu kaga soo qeyb galay Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan.