Somali News

RW Kheyrre oo maanta furaya Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare

Muqdisho-KNN-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta oo isniin ah lagu wadaa in uu furo Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo fasax ku jiray mudo ka badan 3 bil.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka dhacaysa xarunta fadhiyada Aqalka Sare ee degmada Shibis waxaana aad loo adkeeyay amaanka xarunta iyo nawaaxigeeda.

Munaasabadda ayaa lagu wadaa in ay ka qayb galaan madax kale oo katirsan DF-ka Soomaaliya iyo maamul Gobaleedyada dalka sida uu ay sheegayn mas’uliyiin katirsan Baarlamaanka Aqalka Sare.