Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo goor-dhaw u dhoofay Dalka Sacuudiga.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goor-dhaw u dhoofay Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya sida ay noo xaqiijiyeen Xubno ka mid ah Madaxtooyada Soomaaliya oo Wafdigiisa ka tirsan.

Saraakiil Ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa KNN u sheegay in Madaxweynaha uu goor-dhaw ka baxay Madaxtooyada Soomaaliya isagoo ku sii jeeda Magaalada Riyaadh ee Boqortooyada Dalka Sacuudiga oo xiisad kala dhaxeyso Soomaaliya kadib Markii ay ku qanci weysay go’aanka dhex dhexaadka ah ee Xiisadda khaliijka.

Waa Markiisii 3aad ee uu booqasho ku tago Dalka Sacuudiga, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu safarkiisii ugu horeeyay ku tagay Dalka Sacuudiga halkaas uu ku soo qaatay Dhowr maalmood iyadoo mar kale uu ku laabtay Sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Madaxda Dalka Sacuudiga uu kala hadlo Xiisadda ka taagan Khaliijka taas oo saameysay Siyaasadda Soomaaliya.