Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la kulmaya Jaaliyada Soomaalida ee Masar.

Qaahir-KNN- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo uu hogaaminayo oo shalay Gaaray wadanka masar ayaa lagu wadaa in maanta uu la kulmo jaaliyada Soomaalida ee Ku nool dalkaasi.

Diyaar garow balaaran ayaa laga dareemayaa Qaahira oo ay Ku nool yihiin kumanaan Soomaali ah kuwaas oo u diyaar garoobaya in ay soo dhaweeyaan Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaas Ku jooga booqasho labo maalmood ah.

Farmaajo ayaa kulamo la qaatay xalay iyo shalay gilinkii danbe Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Masar iyagoo kawada hadlay xariirka labada dal iyo sidii loo garab istaagi lahaa Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa balan qaaday markii uu Ku jiray olalahiisa doorashada in uu yareen doono safarada dibada ah balse mudada 6-da bilood ah ee uu Madaxweyne ka yahay Soomaaliya ayuu safaro Ku tagay wadamo badan oo caalamka ah.