Adis ababa-KNN-Wafddi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta gaaray Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee dalka Itoobiya waxaa ku soo dhaweeyay R/Wasaaraha Dalkaasi Abiy Ahmed.
R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo qoraal soo dhigay Bogga Twitter-kiisa ayaa waxaa uu sheegay in labad dhinac ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo muhiim ah u ah labada dal.
Sidoo kale Labada masuul ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iy Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa ka hadlay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaa uuna sheegay iney tahay waajib saaran xalinta Khilaafka taagan, hadii uu taas sameyn waayana ay ka dhigan tahay in xiriirka dhulka sii galaya ee labada dal ee deriska la ah uu saameen taban ku yeelanayo horumarka ay hiigsaneyso Xukuumada Addis-Ababa.





