Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta u dhoofay Wadanka Masar

Muqdisho–KNN–Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta oo Axad  ah u dhoofay Wadanka Masar.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xaqiijiyay Bixitaanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku aaday Dalka Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu Casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Wadanka Masar C/fitaax Al-SiiSi.

Sidoo kale War Qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Masar ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu Isniinta Berri ah la kulmi doono Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Wadanka Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay Safaro badan oo Dibadda ah galay,iyadoo uu sheegay markii uu Musharaxa ahaa inuu yareenayo Caadada ah in Madaxweynaha Dalka uu Waqtiga ugu badan ku lumiyo Safaro badan oo Banaanka ah.