Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta u dhoofaya Wadanka Suudaan

Muqdisho–KNN– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta oo Arbaco ah la filayaa inuu u Safro Magaalada Khartoum ee Caasimadda Suudaan.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu Casuumaad Rasmi ah ka helay Madaxweynaha Suudaan Gen Cumar Xasan Al-Bashiir.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la sheegay in ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf garaad Cumar iyo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf Xasan iyo Xubno kale.

Maalmo ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Safar ku tagay Boqortooyada Sacuudiga,waxaana Safarkaas uu ahaa kii Saddexaad ee Sacuudiga uu ku tago tan iyo Markii Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay.