Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo Masar kula kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Wadankaas ku nool

Masar–KNN– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Xalay Jaamacadda Al-Azhar Ee Dalka Masar kula kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Wadankaasi ku nool.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Qudbad u jeediyay Jaaliyadda Soomaalida ee uu kulanka la qaatay,waxaana uu sheegay inuu ku Faraxsan yahay la kulanka Soomaalida Masar ku nool.

“Marka hore Alle ayaa Mahad leh marka xigta waxaan u Mahad celinayaa Madaxweynaha Masar oo suuro geliyay in aan Maanta hortiina imaado,dadka jooga Masar ee Soomaalida ah waxey isugu jiraan Saddex qeybood kuwo ka shaqeeya Safaaradda Soomaaliya kuwo Degen Dalka iyo kuwo doonaya in ay Tahriibaan oo ay Badda isku biimeeyaan.

“Waxaan ugu baaqayaa Wiilasha iyo Gabdhaha Soomaaliyeed ee doonaya in ay Tahriibaan in ay iska dhaafaan Tahriibta,waayo dhib aad u badan ayey kala kulmayaan,marka Walaaleyaal iska joojiya Tahriibka Dalkiina ayaa idiin baahan”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi la socda ayaa Wadanka Masar ku jooga Booqasho Rasmi ah,iyadoo Madaxweynaha uu Masar kula kulmay Madax farabadan oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Masar.

 

W/Q:- A. A. Nasir.