Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo laabtay

Muqdisho–KNN–Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safari shaqo uu ku kala bixiyay wadamada Jabuuti Itoobiya iyo Yugandha oo ciidamadooda joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalakaasi uu ku tagay waxana uu sheegay in ay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaalka cusub oo lala galayo Al-shabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in marna Dowladda Soomaaliya aanay u dulqaadan doonin gumaadka Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,isagoo muujiyaya sida dowladdu ay uga go’antahay in laga saaro dalka oo dhan.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada Qorshe Dagaal oo Al-shabaab looga saarayo Degaanada ay ka joogaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.