Khartoum–KNN– Madaxweynaha Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir iyo xubno ka tirsan golayaashiisa Dowladda iyomas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan Hamid Mumtaz oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in safarka madaxweyne Farmaajo oo qaadan doona labo maalmood uu salka ku hayo sidii labada dal ay u xoojin lahaayeen xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan arriamah ay kamidka yihiin dhinacyada Siyaasadda,Dhaqaalaha,Amaanka iyoo dhinaca dib lomaasiyadda,iyo sidii Dowladda Suudaan ay kaalin uga qaadan lahayad dib u dhiska iyo xasiloonida dalka,iyagoo kala saxiixandoona heshiis ku dhisan dhinaca iskaashiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo Dalka Suudaan waxaa lafilayaain uu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi,islamarkaan uu uga warbixin doono horumarka kajira Soomaaliya.