Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo u yeeray Madaxda Maamul Gobaleedyada ee ku Shiray Kismaayo.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa u yeeray dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Dalka kuwaas oo shalay magaalada Kismaayo ugu soo dhamaaday Shirkii ugu horeeyay oo ay yeeshaan Madaxda Maamulada.

Wararka ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu lahadlay Madaxweynayaasha Maamulada kana dalbaday in si deg deg ah u yimaadaan Magaalada Muqdisho si looga wada hadlo muranka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Gobaleedyada.

Xubno Wasiiro ah oo ka tirsan sadax maamul gobaleed iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada 20-ka bishaan looga yeeray Madaxtooyada Soomaaliya si looga hadlo cabashada ay qabaan loona helo is faham iyo wada shaqeyn dhax marta dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Gobaleedyada.

Hadal qoraal ah oo xalay ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in caqabad kasta oo taagan lagu xaliyo is fahan iyo wadahal iyadoo madaxweynaha Sheegay in uu dareemayo walaaca ay qabaan Madaxda maamul Gobaleedyada.

Qoraalkii xalay ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed c/llaahi farmaajo iyo shirkaan loogu yeeray madaxweynayaasha Maamul gobaleedyada 20-ka bishaan ayaa u muuqda mid Damin kara jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya maalmihii la soo dhaafay.